Xubno ka socday dalladda Soomaaliyeed oo qaabilay golaha deegaanka (Kommunalråd)

Jan 11, 2016, Waxaa ku kulmay xarunta jaaliyada Soomaaliland ee magaalada Malmö, xubna ka socday golaha deegaanka Malmö ee loo yaqaan  kommunalråd iyo madax ka socotay dalladda soomaaliyeed ee magaalada Malmö.

Kulan kaas ayaa waxuu ahaa mid si aad  loo soo agaasimay waxaan looga hadlay arimo ay ka midyihiin sidii  loo samayn lahaa xariir wanaagsan oo u dhaxeeya dalladda soomaaliyeed  iyo golaha deegaanka,  islamarkaana ay noqoto dalladda halka loo soo marikaro qoomiyada soomaliyeed ee ku nool gobalka Skåne.

Dalladda Soomaaliyeed ayaa waxaa la’aas aasay 13 september 2013, waxaana muuqata in ay qabateen   wax qabad muuqda isla markaana ay u kuur galeen  soo xeeraminta ururada kala daadsanaa ee gobolka, waxaana hadda dalladda katirsan illaa dhowr iyo labbaatan urur oo ka dhisan gobalka Skåne.